Ads

Sunday, 4 October 2020

mashruucii la dagaalanka nuurka islaamka q 3aad

barnaamujkii la dagaalanka nuurka islaamka
 



Waxaa i luraya in aan ogaado sababta uu u rabo ‘dagaalka barri’, annoo aad moodo in 
jiidhku ii damqaday dadkayga ayaan la soo booday waakan dhacaya ee maxay ilaa 
xadkaa muhiim idiinku noqotay inaad weerarkan qaadaan. Paul, isaga oo aan ii jawaabin 
ayuu eegay ergay kale. Wuxuu igu yidhi, ‘walaal Berg ayaa kuu furi doona boggaas.’
Berg ayaa hadalkii qaatay, wuxuu yidhi:
Waxaan ka fikiraynaa in aanu isku beegno qaska Sanaag iyo qabsashada Qudus. Waxaan 
weydiiyay waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Sanaag iyo Qudus. Wuxuu ii sheegay 
markii u horaysay dunida in ay ku guulaysteen faafinta jahliga iyo qarinta cilmiga dhabta 
ah. Qaar badan Phd iyo master ayaanu dhabarka kaga qornay haddana cilmiga runta ah 
waanu ka qadinay. 
Way yar yihiin cidda taqaan cilmiga sida dhacdooyinka dhulku isku saameeyaan iyo 
muhiimada dhuleed ee ka dhaxaysa Sanaag iyo Qudus. Qoladan Muslimka waxaa loo sii 
sheegay in marka ay camiranto Qudus in Yatrib (Madina) ay xidhmayso -sirtan waxa 
haya inyar oo ka mid ah dadka awoodda laga ilaaliyo.

Paul McMillan ayaa ku soo noqday isagoo wardoonkayga ka jecel in aan amarradiisa 
qaato:
Wuxuu igu yidhi, ‘dhawaan ayaad dalkii ku noqonaysaa, waxaanu kuu boqri doonaa 
mataan.’ Degdeg ayaanu u rabnaa in aan beerno midho aynu mustaqbalka dhow 
goosano. Si aydun u sumaysaan quluubaha madhan waa in aydun adeegsataan qalabkan 
aan ku siiyay. Wuxuu igu yidhi markaad doonaysid in aad biiso dalaga beeraha shinnida 
ayaa la beddelaa, marka aad doonayso in aad xumayso hab fikirka wanaagsan wax 
dadku akhrisanayo ayaa la abuuraa. 
Xikmaawi Shiinays ah ayaa laga hayay, ‘haddii qorshahaagu yahay 1 sanno bariis beerro, 
haddii uu yahay 10 sanno dhir beer, haddiise uu yahay 100 sanno carruur wax bar.’ 
Innaga qorshaha Ina eryayaa waa ka duwan yahay taa, waxaanu ka cararaynaa cadceed 
galbeed ka soo baxaysa oo aan la garanayn goor ay dilaaci. Waxaa gebbi ahaanba 
isbeddelaya 2012 qorshe 300 sanno noo soo shaqeeyay. Way adag tahay in aanu 
maamulno xataa doqmihii, wax walba waxay u shaqaynayaan si lid nagu ah. Ma 
garanayno siday wax u dhacayaan. 
Waxaan dalka ka soo degay aniga oo sita buug badan oo falsafad ah oo ay qoreen ragga 
ay ka mid yihiin Aristotle, Plato, Socrates, Hegel, Locke, Tolstoy iyo qaar kale oo badan. 
Kulamadii oo halkoodii ka sii socda ayaan buugta u qaybiyay dhallinyar dhowr ah, 
waxaan ku idhaahdaa erayo beer-lawaxsi ah oo aan qalbigooda ku xadayo. Waxaan ugu 
yeedhaa Platahii Soomaalida ayaad tahay, waxaan dareemayaa in ay qab gelisay; 
waxaanse ogahay kuwa gashada kabaha falsafada iyagoon aqoon fiican lahayn in ay 
galaan mugdi. 
Markii ugu horaysay qolo aan dalka ka bixin ayaa baraha bulshada ku soo qortay erayo 
ceebayn ku ah asalka diinta Islaamka, waxaanay shaki geliyeen iimaankooda. Arrintaas 
urrurku si weyn ayuu iigu soo hambalyeeyay, Paul McMillan ayaa ii soo qoray fariin 
gaaban oo aanan wada fahmin:
“Waxa la gaadhay waqtigii uu soo bixi lahaa BOQORKII QARSOONAA.”
Fariinta markaan akhriyay ayay anoo arkaya is masaxday iyadoo gubanaysa. Argagax 
iyo cabsi ayaan dareemay -wadnahayguna wuu gariirayaa. Waxaan weydiiyay waxa 
fariintii gubay. Wuxuu ii sheegay in ay Jinka heshiis kula jiraan oo ay arrimo badan ka 
wada shaqeeyaan. Qabiilooyin kala duwan ayay leeyihiin hadda reerka noo qaabilsan 
Internet-ka waxaa la yidhaa ZILLA...halkaa markuu marayo ayuu is-maray oo ka 
cadhooday inuu sirtaas sii dhexgalo.
Waxaan la xidhiidhay Koonfurta anigoo doonaya in mashruuca ku faafiyo dhulka 
Soomaalidu degto. Muqdisho hawsheeda wiil yar ayaan u dirayaa ayaan ku idhi Paul, 
wuxuu igu yidhi, ‘Muqdisho waxaan u naqaan Vatican City, markaa wakiillo badan ayaa 
noo joogo.’ Halkaa ayaan kaga hadhay oo waxaan ogaaday in aanan keli ku ahayn 
dagaalka dahsoon. 
Maalintii danbe anigoo hudheel cunto ka cunaya ayaa nin baahan uu na soo dul istaagay, 
waxba ma hayno ayaan ku idhi, wuxuu igu yidhi, ‘waxba ma haysid oo waa la hubaaye, 
Muqdisho waxaa loogu magac daray Ismaaciil Maqaadishi; waa nin Awliyo reer sheekh 
Isaxaaq ah, hawlihiinuna waa fashil.’ Naxdin ayaan qaaday, cuntadii ayaa iga degi 
wayday. Habeenkii waan seexan kari waayay, waxaan garwaaqsaday in ay jirto cid og 
tallaabo kasta oo aanu qaadno. Subixii ayaan dalbaday wastaad laban ku xaniba 
daaqadaha guriga aan ka degannahay Hargeysa. 










La soco qaybta afraad
Qaybtii 4-aad

Tuesday, 1 September 2020

SHIRKII YUHUUDU KU YEELATAY ISWISERRLAND 1900 C.D



 

SHIRKII YUHUUDU KU YEELATAY ISWISERRLAND 1900 C.D IYO WAXYAABIHII KA SOO BAXAY

AKHRI waa goobtii ay shirqoolo badan oo hada u suurtogalay yuhuudu ay ku go,aamisay 
waa muxaadaro, waxa goobjoog ka ahaa 388 nin oo 
ka mid ah ragga ugu hodansan Sahyuuniyadda. Waa rag dhammaantood gaadhay heerka 33aad ee Maasooniyadda. Waa waxyar ka dib kacaankii Faransiiska iyo wax yar ka hor kacaankii Ruushka. Qofka muxaadarada jeedinaya waxa la yidhaahdaa 'Tiyoodar Hertisal' kana mid ah waaweynka Sahyuuniyadda. Waxa ay muxaadaradani caan noqotay markii duubisteeda laga qoray buug ka mid ah kuwa ugu khatarsan oo loo yaqaanno ' Borotakoollada Guurtida Reer Sahyoon' . Muxaadaradani waa mid dheer oo qaadatay 3 cisho oo isku xiga, balse waa aan kuu soo koobay. Waxa aan ka jaray wixii dhurmid ah oo dhan, waxa aanan kuu soo reebay hadalka intiisa nuxurka leh oo qudha.

Ii raac imika magaalada Baal ee Iswiisarland, waa maxfal ka mid ah maxaafisha Masooniyadda ee waaweyn ee magaalada ku yaalla. Aynu dhex fadhiisanno waaweynka meesha fadhiya oo aynu dhagaysanno Hertisal, oo iyaga la hadlaya. Waxa aan kugu boorrinayaa in aad khudbadda dhowr jeer dib u dhuuxdo, maxaa yeelay, waa hadal adag oo aanad sahal u fahmayn. Waxa laga yaabaa in hadalka uu ninkani jeedinayaa uu dhawyahay waxa dawladdaada ka dhacaya, xataa haddii aad cidhifka dunida ku nooshahay.

Maalintii 1aad.
***

Guurtidii reer Sahyoonoow, xulkii dadka dhulka joogayoow, hantiilayaashii dahabkoow: Eebbe waxa xaq ku ahayd in uu bulsho ahaan idinka idin doorto, waxa uu idinka dhex doortay bulshooyinka caalamka ee xoolaha ah ee xun xun (al-quuyiim), si aad dhulka uga taagtaan boqortooyada Eebbe ee weyn. Maanta waxa aynu ku kulannay maxfalkan, berri iyo saadanbena sidoo kale; gu'yaasha soo socdana sidaas oo kale ayaa aynu u kulmi doonnaa. Maanta waxa aynu isugu nimi si aan warbixin u kala qaadanno, innaga oo ka warramayna arrinka istiraatijiyaddeenna weyn ee dhammayska tiran, ee ay hore u bilaabeen awowyaasheen. Awowyaasheennii hore waxa ay u soo dhiibeen awowyaasheennii danbe, awowyaasheenni danbena innaga ayaa ay istiraatijiyaddan inoo soo gacan geliyeen, innnaguna waa in aynu facyowga danbe u sii gudbinnaa. Haddii aynu arrinkaa ka leexanno waxa aynu burburinnay hawl qarniyo badan la soo waday, sidaa darteed digtoonaada reer bani Israa'iiloow.

Waa aad wada garaneysaan dhammaantiin salka uu ku taagan yahay qorsheheennu. Waa aad wada garanaysaan hawsha baaxadda leh ee malagga soo degay ee Baafomiid uu dadkeenna u qabtay. Waa aad xasuusan tihiin hawsha laxaadka leh ee uu inoo qabtay isaga oo wax ka beddelay khariiradda dunida malagga soo degay ee Siirbenti. Ma habboona in aan sii galo faahfaahin taariikheed oo aad dhammaantiin kor ka qaybsan tihiin. Guurtidii reer Sahyoonoow waxa la gaadhay xilligii aynu innaguna kaalin ka qaadan lahayn sheekadan mugga leh ee socota. Waa in aynu ka ridno dhabarkeenna wax kasta oo culaysiyay oo aynu hore u dhaqaaqno. Waa in aynu u kacno sidii aynu dunida ugu jeedin lahayn dhanka aynu doonno.

Habka ugu wanaagsan ee lagu burburiyo mabda ama fac, ha ahaado mid diineed ama mid bulsho e, ma aha in la tirtiro ama la buriyo mabda'aas, balse waa in laga leexiyo dhabbadiisa, waana in loo sameeyo fasiraad ka duwan tii ay ugu talagaleen dadkii dhigay. Sidaa darteed, waxa nala shaqeysay barakada rooxaanta maska Siirbenti, si uu u dhalanrogo seeska diinta Masiixiga, taas oo uu ka soo saaray wax cusub oo aan ahayn sidii loo soo dejiyay. Sidoo kale Islaamka Shiicada ee dhalanrogan, ayaa aanu u jeedinnay dhan ka weecsan Islaamkii Nebi Maxamed. Iska ba dhaafe waxa aanu ka dhignay mid la dagaallama Islaamka, oo soo bahaysta cadawga Islaamka si uu u burburiyo. Tani waa maskax badnaanta Yuhuudda oo is muujisay.

Waxa laga yaabaa in aanu qorshaha ku soo darno waxyaabo aan damiir ahaan wanaagsanayn, oo aanu ku qasbannahay in aanu sameyno. Xusuusnaada mar kasta in arrimahani ay damiir ahaan u bannaan yihiin shacab sida shacabkeena oo kale ah, oo dul iyo hoosba loola dirirayo. Waxa kale oo aad xusuusnaataan in xilligan la galay uu sharku yahay waddada qudha ee khayrka lagu gaadhi karo. Awooddeennu waa ay ka weyn tahay tamar kasta, maxaa yeelay waa ay qarsoonaan doontaa illaa aynu ka gaadhayno heer aanay ka hor iman karin awood kale ama qorshe dhagareed oo kale. Dhab ahaantii awoodda dahsooni waa tamarta ugu weyn, yaa awoodda in uu baabiiyo awood qarsoon oo aan muuqan.

Haa, reer Sahyoonoow inkasta oo aynu nahay bulsho kala firidhsan, haddana kala fogaanteennu waa sirta tamarteenna. Maxaa yeelay, waxa aynu awood u leennahay in aynu dhex galno dhammaan dhismaha shucuubta caalamka ee kala duwan, innaga oo gacanta ku dhigayna meelaha halbawlaha ah ee bulshadaasi leedahay. Sidaa ayaa ay tamarta bulshooyinka dunidu u noqotay wax labadeenna gacmood ku kala dhex jira oo aynu u jeedin karno meesha aynu doonno. Waxa la gaadhay xilligii aynu jihayn lahayn bulshooyinka adduunka, waa aanu dhammaaday xilligii dhuumashadu.

Waxa aanu ku guuleysannay in aanu shidno dabkii kacaankii Faransiiska, annaga ayaa ay ahaayeen dadkii ku dhawaaqayay: gobonnimo, walaalnimo, sinnaan. Waa weedho mar kasta oo ay dadku ku celceliyaan xorriyaddooda la sii dabrayay. Waxa jirta weedh liidata oo markasta lagu soo celceliyo: dimoqraaddiyad. Ma jiro wax la yidhaahdo dimoqraaddiyad ama xorriyad iyo wax la mid ahi, waxaas oo dhami waa dhalanteed. Annaga ayuun baa garanayna in waxaasi uu yahay dhalanteed, waxa aanu garanaynaa marka aanu dhalanteedkaa ka dhigayno dheef si aanu dadka safkayaga ugu soo biirinno. Marka hore waa in aad maanka ku haysaan in dhammaan bulshooyinku ay yihiin jaantaa-rogan bahalo ah,oo indho la' oo u baahan awood muquunisa. Awoodda bulshooyinka bahalaha ah muquunin kartaana waa diktaatooriyadda kelitaliska ah oo qudha, ama waa dimoqraaddiyad la hoos geeyay wax loo yaqaanno xeer (qaanuun), oo dadka oo dhami u hoggaansan yihiin.

Dimoqraadiyaddu waxa ay la macno tahay fawdo, sidee ayaa aad ugu kalsoonaan kartaa xeerarka bulsho jaantaa-rogan ah oo ku fooggan muran iyo dood madhalays ah. Waxa suurto-gal ah in murankaa iyo dooddaas lagu buriyo muran iyo dood ka liidata oo haddana lagu qancayo oo dhalanteed dadka u sawirraysa. Muranku waa uu fiican yahay maxaa yeelay waxa uu arrimaha u rogayaa qaar ka leexda garashada dhabta, oo u leexda doonida muranka laftiisa. Bulshooyinka dabbaalka ahi waxa ay daba ordaan muranka iyo doodaha madadhalayska ah, taas oo ka hor istaagta xataa in ay ku heshiiyaan doodaha saxda ah.

Haddii ay mar kasta raacaan rayiga aqlabiyadda, waxa uu noqonayaa rayi jahli ka buuxo, jahli ka dhan ah siyaasadda. Taasi waa waxa aasaya iniinta fawdada iyo fadqalalada xukuumadeed, ee ka jirta dawladaha sheegta dimoqraaddiyadda. Sidaas ayaa aanu u hoos gelinay dawladaha ma-yeedhaanka ah ee (quuyiimka) in ay ku faanaan dimoqraaddiyadda, iyaga oo sheeganaya in ay yihiin talisyada ugu heerka sarreeya dhanka fikirka aadamaha.

Kelitalisnimada oo qudha ayaa xaddaarad dhidibada u taagta. Ma suurto-gal ayaa in qorshe u qayb qaybsan garaadka kala duwan ee dadkii sameeyay uu ilbaxnimo taago? Maya waa wax aan suurto-gal ahayn. Inta badan waxa rayiga la wadaago ka soo baxda ilbaxnimo dabacsan , oo bilaa anshax ah; maxaa yeelay shacabku dabeecad ahaan waa mid bahalo ah, mar kasta oo aad
xorriyad siisid na fadqalallo ayaa ay u rogayaan. Qofka tamarta leh ayaa mar kasta wax maamula, ka daciifka ahina waa hoggaansame. Sidaas ayaa uu aabbuhu markasta ugu guulaystaa in uu tarbiyadeeyo inankiisa yar, halka uu wiilkiisa weyn awoodi waayo in uu tarbiyadeeyo. Xukuumadeenna waxa waajib ku ah in ay tirtirto oo ay muquuniso fallaago kasta oo ka hor timaadda.

Siyaasadda iyo anshaxu ma aha laba meelna iska soo gala, taliyaha anshaxa dhawraa ma aha siyaasi wacan, inta badanna taliskiisu ma waaro. Waxa qasab ku ah qofka in uu wax hoggaamiyo doonaya in u yeesho is-tusnimo, munaafaqad iyo dhagar badnaan. kal-soornaanta, gobonnimada iyo amaanadu waa u foolxumo siyaasadda, waxa aanay inta badan ka qaybqaataan burburinta taliska, halkii ay ka adkayn lahaayeen.

Waxa aan doonayaa in aan idiin sheego arrin weyn, sidee ayaa aad u addoonsan kartaa dawlad weyn sida Ruushka. Marka koowaad xumaan kala dhex dhig oo kala fogee shacabka indhaha la' iyo dawladda nacasta ah, nacaybka dhexdooda yaallana sii kordhi. Mar kasta oo ay xukuumaddu nacdo shacabka waxa ay si qaab daran u adeegsan doontaa awoodda dawladnimo, waxa aanay baalmari doontaa xeerarka dimoqraaddiyadda ee uraya. Mar kasta oo u kordho nacaybka uu shacabku u hayo taliskuna waa ay ka fallaagoobi doonaan xeerarka xukuumadda ee inta ay dhigtay ay iyaduba iska baal martay.
Marka aad dawladdii iyo shacabkii kala fogayso, ayaa aanu annagu weerar qaadaynaa. Waxa aanu kacdoon ama inqilaab u samaynaynaa taliska jira iyo nidaamkiisa oo dhan. Waxa aanu ku tuuraynaa xeerarkii dawladdana guddaafadda ugu dhow, waxa aanan samaynaynaa xeerar iyo laamo cusub. Sidaa ayaa aad ku noqonaysaa diktaytar madaxa kaga fadhiya xukuumad tamarteedii iyadu iska tuurtay oo adiga kugu soo wareejisay.

Marka ay dawladdu gacanteenna ku soo dhacdo, innaga oo ah Yuhuud ahna hantiilayaasha qudha ee dahabka adduunka, dawladda waxa aynu u dhiibbi doonnaa xadhig ay ku dhagto, xadhigaasina waa lacag. Marka ay xadhigaa qabsato waxa ay inoo noqotay addoon innaga, haddii ay sii deysana waa ay qarqoomaysaa. Dahabku waa mishiinka dhaqaajiya dawlad kasta, markasta oo aynu innaga oo qudhu haysannana dhaqdhaqaaqa xukuumad kasta waa aynu joojin karaa, marka aynu doonno.

Haddii aynu Yuhuud nahay innaga oo qudha ayaa gacanta ku hayna dhaqaalaha adduunka. Aqoonta dhaqaaluhu waa boqortooyadeenna, waxa nagu hareeraysan ciidan dhan oo dhaqaale yahan ah, badankooduna maanta waa ay inala joogaan: waxa aad tihiin hubka ugu khatarsan hubabka aanu haysanno, noqda madaxda bangiyada, ama warshedleyda ama dadka milyanneerka ah ba.

Haddii ay dawladi gacanteenna ku soo dhacdo waxa aanu u dhiibnaa xilalka madaxtooyada iyo wasaaradahaba dadka leh taariikh nololeedka xun, ee laga qoray bogagga badan ee dhibcaha madow ku ah noloshooda, kuwaas oo ka baqanaya in la ogaado. Haddii ay naga hor yimaaddaan waxa aanu ku furnaa maxkamad waana la xidhaa. Sidaa darteed, waxa ay illaa marka ugu danbaysa dufaaacaan maslaxaddayada. Xukuumadaha qaar ayaa muujiya in ay mucaarid nagu yihiin annaga, balse falalkoodu waa kuwo dul iyo hoos ba annaga noo xaglinaya.

Waxa aanu u samaynaa bulsho kasta haayado aanu ku rinjiyeynayn rinji gobonnimo doon, oo leh aftahanno ku sixra bulshada hadalkooda xeesha dheer, balse waa hadal aanay wax falal ahi la socon dhab ahaantii. Waa uu sixrayaa hadalkaasi oo waa ay iska rumaysanayaan iyaga oo diiddan quusta, oo qaba rejo isbeddel. Markasta oo aanu kordhinno mushaharka shaqaalaha waxa aanu kordhinnaa sicirka badeecadaha. Waxa aanu ku daalinnaa warshedleyda in ay mushaharka shaqaalaha kordhiyaan, halka aanu shaqaalahana ku daalinno sicir-bararka. Cid na wax ma faa'idayso waa la isku daba-daalayaa uun.

Waxa aanu hayaankeenna ka bilaabi doonaa Ruushka, ka dibna waxa aanu la gurguuran doonna sida uu u gurguurto masta Siirbenti, annaga oo silsilado aan jabin ku xidhayna Yurub oo dhan. Waxa aynu waajihi doonnaa marxalad adag oo xasaasi ah, waa Imbiraadooriyadda Cismaaniyiinta ee weyn, waxa ku degi doona Siirbenti, annana waa aanu ka daba tegi doonnaa. Waa aanu burburin doonnaa burbur aanay ka soo kabsan. Ka dib Siirbenti waxa uu u duuli doonnaa Quddus, annana waa aanu raaci doonnaa. Halkaas waxa aanu ka dhisi doonna dawladeenna, halkaas ayaa uu ku dhammaan doontaa kala filiqsanaanteenna dunidu.

Marka ay salka dhigato dawladeennu , waxa aynu noqon doonna dawlad ka mid ah kuwa ugu awoodda badan caalamka. Haddii ay cidi ina soo weerarto waxa jiri doona dawlado inoo hiiliya. Markaas ayuun baa aynu bilaabi karnaa in aynu caalamka u diyaarinno soo dhawaynta boqorkeenna weyn ee dunida oo dhan maamuli doona 'Antikhiriistoos'

Maalintii 2aad.
****

Guurtidii reer Sahyoonoow, maanta waxa ay gaadhay awooddeennu heer heshiis kasta oo dunida ka dhacaya aynu ku lug leennahay. Awooddeennu waxa ay gaadhay heer aynu innagu jaangoyno ciqaabta, qofka aynu doonno waa aynu daldalnaa, ka aynu doonna waa aynu sii daynaa. Halkaa waxa aynu ku gaadhnay waayo Eebbe waxa uu ina siiyay maskax badnaan aanu siinnin shacab ka mid ah shucuubta caalamka.

Maanta waa maalintii labaad, berrina waa maalintii saddexaad ee ugu danbaysay kulankeenna taariikhiga ah. Waxa waajib ku ah qof kasta oo kulanka jooga in uu garto aniga oo aan u sheegin, in xog kasta oo halkan la isku weydaarsanayaa ay ahaato mid qarsoon oo sir ah.

Maanta waxa aan ka hadli doonaa 'Nidaamka Jamhuuriga' ah oo aynu ku beddeli doonno taliska boqortooyada ah ee hadda dunida ka jira. Boqorka nidaamka boqortooyada waxa aynu beddeli doonna wax ruwaayad ah oo loo yaqaanno madaxweyne. Waxa aanu u dooran doonnaa xilkan nin leh fadeexad hoose, oo aanu annagu garanayno, ha ahaato mid anshax, mid galmo ama mid laaluush. Waxa uu inta ugu badan xukunkiisa ku qaadan doonaa isaga oo ka baqanaya in la shaaciyo fadeexaddiisa. Waxa aanu gacanta u gelin doonnaa madaxweynaha koox jilicsan oo la yidhaahdo 'Golaha Shacabka' waa koox dad ah oo bulshadu dooranayso si ay iyaga u metelaan. Waxa aanu ka hoos saari doonnaa golahan awoodda xeer gedinta, madaxweynaha ayuun baa yeelan doona awood dhammaystiran.

Waxa aanu ka dhex abuuri doonnaa fadqalallo joogta ah madaxweynaha iyo shacabka, dhaqaale ahaan ayaanu cunaha u qaban doonnaa dawlad kasta. Waxa ay shucuubta adduunku maalin uun ku kici doonaan madaxdooda dhammaan, waxa aanay dooni doonaan hoggaamiye keliya oo dunida oo dhan xukuma, oo dadka adduunka oo dhanna mideeya - Antikhiriistoos.

Annaga oo keliya ayaa og sirta Maasooniyadda oo hoggaamina. Sidee ayaa ay bulshooyinka xoolaha ah (quuyiim) u fahmi karaan dulucda iyo ujeeddooyinka Maasooniyadda waaba ma-yeedhaan aan garaad lahayne. Waxa waajib innagu ah in aynu laba jibbaarno unugyada Maasooniyadda iyo maxfalladeeda dalalka dunida oo dhan. Waxa aanu soo jiidan doonna qofkasta oo lagu tuhmo in uu leeyahay ruux caannimo. Dhammaan unugyadani waxa ay leeyihiin hal hoggaamiye oo madaxdeenna ka mid ah. Waxa aanu soo jiidan doonnaa oo aynu ku dari doonnaa xubnaheenna dhammaan laamaha sirdoonka ee dalalka caalamka, maxaa yeelay iyaga oo qudha ayaa daaha ka faydi kara waxa aynu rabno, oo burburin kara buuq kasta oo madax xannuun inagu keenaya. Waxa inagu soo biiri doonna cid kasta oo naftii-hallig ah oo doonaya in ay noqdaan hantiile degdeg ah, annaga ayuun baa u hayna hanti degdeg ah.

Warbaahinta ... waxa waajib ah in aynu meesha ka saarno warbaahin kasta oo farogelinaysa awooddeenna. Balse, mararka qaarkood waa in aynu weerar innagu isku soo qaado, weerarkaasi waxa uu beegsanayaa meelaha u baahan in wax laga beddelo siyaasaddeenna, taasina waa maskaxbadnaan heer sarreysa. Mucaarid kasta oo aynu samaysannaa waa mucaarid fudud, oo aan u dhawaan karin arrimaha muhiimka ah.
Waa in aynu innagu gacanta ku dhignaa wararka oo dhan. Waxa aad garanaysaan in wararka adduunka ay gacanta ku hayaan dhawr wakaaladood, kuwaas oo warbaahinta dunida warka u qaybiya. Haddaba marka aynu taliska qabsanno waxa aynu gacanta ku dhigi doonnaa dhammaan wakaaladahaas, mana ogolaan doonno in la baahiyo wixii aynaan ogolaannin innagu.

Waa in aynu iibsanno inta ugu badan ee wargeyso ah saddexdeeda noocba. Warbaahinta dawladdu waa in ay maslaxaddeenna ka shaqayso, warbaahinta rasmigu u janjeedhaanna waa in ay soo jiidato quluubta dadka dhexdhexaadka ah. Warbaahinta mucaaridka ahi waa jaadka saddexaad waxa aanay iska dhigi doontaa in ay innaga inagu kacsan tahay, waxa ay soo jiidan doontaa dhammaan dadka inagu kacsan, si ay ugu afrogaan afkaartooda inaga dhanka ah, sidaas ayaa aanu ku ogaanaynaa waraaqaha ay adeegsanayaan iyagu.

Faafreebka... Faafreebka waxa la daabacayo waa in aynu u samayno haayad maamusha, oo diidda ama ogolaata waxa ay doonto; ha noqdo waxaasi buugaag, filimo ama wargeysyo. Haayadani waa in ay gacanteenna ku jirtaa, si aan u maamulno dhammaan wixii la baahinayo meel kasta oo adduunka ka mid ah. Suugaanta iyo aqoontu waa hubka ugu halista badan ee kacdoon kasta oo bulsho, markasta oo ay labadaasi gacanteenna ku jiraanna xaalku waa uu deggen yahay weli.
Si aynu dadka uga fogaynno in ay arrimaha waaweyn ka doodaan, ama ay furdaamiyaan masallooyinka noloshooda taabanaya, waxa aanu markasta u abuuri doonnaa dhibaatooyin mashquuliya. Waxa aynu u abuuri doonnaa mushkilado dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo dalkooda ka dhaca. Si aanu u mashquullino garaadkooda waa in aynu madaddaalo u furnaa: sida tartanka ciyaaraha, tartanka fanka iyo tartanno kale oo badan.
Bulshooyinka fooraraa waa sida cunugga yar oo kale, marka uu ilmaha yari kaa doono wax, hadii aad ku tidhaahdo eeg shinbirkaa, waa uu eegayaa shinbirka isaga oo illaabaya wixii hore ee uu kaa doonay ba.

Qofka lagu yidhaahdo wax kasta annaga ( Yuhuud) ayaa kacanta ku hayna waa uu yaabayaa, waxa aanu odhanayaa taasi suurto-gal maha, maxaa yeelay, qofna ma awoodo in uu isku dubbarido hawsha aanu qabannay oo dhan. Annagu waxa aanu gacanta ku haynaa dahabka iyo dhaqaalaha oo dhan, waxa aanu nahay dadka ugu hodansan dunida, qofka dhaqaale haystaana isaga ayaa u taliya adduunkan.

Waxa uu nagu caawiyay malagga soo dhacay ee Siirbenti in uu burburiyo dhammaan caqiidooyinka dadka aduunka, oo uu ka leexiyo sidii loogu talogalay. Dadku waxa ay curiyeen Talmuudka oo Tawraad ka danbeeyay, waxa aanay ka dhigeen Ciise inankii Ilaahay iyo Ilaah la mid ah Eebbe, halkii uu ka ahaa nebi Ilaahay soo diray. Inkasta oo aanu ku guuldarreysannay in aanu Islaamka burburinno sidii aanu u baabbiinay Masiixiyadda iyo diinta Yuhuudda, laakiin waxa aanu soo saarnayn wax loo yaqaanno Shiicada, waxa aanay muslimiinta dhadhansiiyeen hoog aanu cadawga Islaamku weligii dhadhansiin.

Waxa noo suurtogalay ma ay noo hagaageen haddii aannaan basaasiin ku dhex daadinnin bulshooyinka caalamka, waxa aanu farnay basaasiinta in ay bulshooyinka ku dhex milmaan, milan aan laga soo dhex sooci karin. Basaasiintaasi waxa ay noo soo diraan warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda bulshooyinkaas ee siyaasadeed, bulsho iyo kuwa diimeed ba.

Maalinta 3aad.

Hadalka idinkuma dheerayn doono maanta, waxa uu noqon doonaa wargelin qudhaata. Waxa aan filayaa in aad dhammaantiin muraajacayseen, oo aad qorateen oo aad fahanteed ama aad xafiddeen hadalkii hore. Madaxda dawlaha xoolaha ahi waxa ay ku qasbeen dawladahooda in ay lacag ka amaahdaan bangiyadeenna , waxa aanay ka amaahdeen lacag badan oo aanay iska bixin karahayn haddii ay qarniyo badan jiraan. Wax badan ayaa aanu u soo jeednay in ay sidaasi dhacdo, wax badan ayaa aanu ka fikirnay in aanu bulshooyinka oo dhan addoonsanno. Waxa aanu ku guuleysannay in aanu dhammaan dawladaha oo dhan kildhi madaxa u gellino, waxaana nagu waajib ah in aanu sidaa ku ilaalinno. Waxa aanu samaynay oo dhan waxa na faray taliyaheenna weyn: boqorkeenna adduunka ka maamuli doonna carshigii Daa'uud ee ah tafiirtii Daa'uud.

Haa innaga ayaa gacanta ku hayna dahabka, marka aynu doonno ayaa aynu inta aynu doonno oo dahab ah kala soo bixi karnaa kaydadkeenna qarsoon. Waa dahab aanu wax badan kaydinaynay. Ugu danbayntii waxa la idiin qaybin doonaa guurtiyeey warqad la idinka rabo in aad saxeexdaan. Waxa aynu soo marnay waddo dheer, horteennana waxa ah jid dheer oo dhib badan, sidaa darteed waa in aynu soo jeednaa.

Waxa warqaddii saxeexay dadkii matalayay Sahyuuniyadda ee heerka 33aad ee Masooniyadda ahaa.

Saturday, 29 August 2020

qasiido burda oo dhamays tiran oo carabi & somali قصيدة برد

Mashruucii la dagaalanka nuurka islaamka Q 2aad

 mashruucii la dagaalanka nuurka islaamka q 2aad



Q 2aad


Heeskaas oo i laabqaaday misana cabsi igu abuuray ayuu mid madow ii yimid isagoo 

madaxa hoos u foorarinaya ayuu igu yidhi, ‘mudane, waa kuu diyaar gaadhigii ku qaadi 

lahaa.’ Dabaqa hoose ee hudheelka ayaa la i geeyay, waxaa igu sugaya gaadhi kala jiidan. 

Markaan guddaha u galay waxaan kula kulmay saaxiibkay. 

Waan ku naxay oo waxaan ku idhi, ‘waar maxay sidani tahay’, isna wuxuu iigu hal 

celiyay waadigii muddo daba-socday inaad nagu soo biirto ee ay codsigaaga laba jeerba 

ay diideen Rome Club iyo Scottish Temple. Hadda, waxa timid fursad aad isku muujin 

karto, haddii aad daacad ka noqoto hawlaha loogu igmanayo waxaad heli xubinnimo 

buuxda. 

Magaalada waan ka sii baxaynaa, waxaan gaadhay dhisme dhulka hoostiisa ka dhisan 

oo aad yaabayso qaabka loo dhisay. Saaxiibkay gaadhigii ayuu ku hadhay, anna laba nin 

oo xidhan dhar madow oo ay qoortooda sudhan tahay saddex-gees cas ayaa intay 

garbaha i qabteen ayay ii kaxeeyeen qol madow oo iftiinka qudha ee ka baxaya yahay 

shamac. 

Waxaa goob madow soo fadhiya nin darajadiisa tahay 33 oo magiciisa iigu sheegay Paul 

McMillan. Wuxuu i weydiiyay in aan ku qanacsanahay in aan ku soo biiro urrurkooda 

Dark Marrowbones. Anna hore ayaan ka aqbalay. Habeenkii halkaas ayaa xaflad weyn 

la iigu sameeyay. 

Saddex habeen ka dib anigoo sidii meeshii ugu jira ayuu Paul ii kaxeeyay qol madow, 

deeto ileys ayaa lagu qabtay gidaarka waxaana la i tusay khariirad madow oo ay cad 

yihiin laba meelood. Wuxuu i weydiiyay Paul labadaa meelood ee cad miyaad 

garanaysaa. Waxaan ku idhi mid waa Geeska Afrika ta kalena waa Barriga dhexe. Paul 

ayaa igu yidhi, ‘Waa dhulka Soomaalida’, ta kalena waa Shaam. 

Wuxuu ii raaciyay in khariiradaa la sameeyay shirkii Berlin ka dhacay 1884. Wuxuu kale 

oo uu ii sheegay arrin argagax igu riday, Paul McMillan wuxuu yidhi, ‘shirkaas waxa 

fadhiyay kii samada ka soo dhacay... markuu arkay in aanan fahmin ayuu iigu 

macneeyay...(idinku Shaydaan ayaad u taqaanaan) wuxuu noo sheegay in dhulka


Soomaalida iyo Shaam ba ay yihiin labada Nuur ee u baahan in lala dagaalamo si 

qorshahayagu u fulo.’

La soco qaybta 2-aadQaybtii 2-aad

Markaas ayaa cabsi igu abuurantay. Waxaan jeclaystay in aanan halkan iman, waxaase 

cod guddaha igala hadlay igu yidhi, ‘xog badan aad ogaatide adkayso.’ Cidda ila 

hadlaysa ma garan ee berri danbe ayaan ogaan doonaa in uu igu shaqaysanayo xoog ka 

awood badan kuwan aan ku biiray. 

Paul wuu i dareemay in buuq igu furan yahay, waxaanu ii sheegay markaan koro 

salaanka kala saraynta in cabsidu iga baabi’i doonto laakiin la iiga baahan yahay naf￾hurid laxaad leh. Wuxuu si toos ah iigu sheegay baahida xilligan keentay in loo baahdo 

dad Soomaali ah oo guddaha ka dagaalama. 

Waqtigan waxaa nagu adkaatay in aan dibedda kala dagaalanno, weliba wax walba 

waxay isbeddeli doonaan marka la gaadho December, 21, 2016. Waxaan jeclaystay in 

ogaado sababta xilligaas wax walba isku beddelayaan. Waxaad moodaa inuu maqlayo 

faqa guddahayga ka socda, wuxuu ii sheegay in xog badan oo aan loo sheegi jirin 

xubnaha Dark Marrowbone aan nasiib u helay in la ii furo. Sirtan waxaa la siin jiray inta 

darajadoodu ugu hoosayso 21, cidda fashilisana xukunkoodu wuxuu ahaa dil.

Wuxuu igu yidhi, ‘ hadda, sixirkii aanu dhulkaas kula dagaalami jirnay wuu naga 

istaagay, 2012 waxaa kor u kacaya quwada ruuxda Aadamaha oo halis weyn ku haysa 

qorshe-weynaha aanu ku dhaxlayno awoodda dunida.’ December, 21, 2016 marka la 

gaadhana waxaa cirka ka soo muuqanaya xidig cusub oo awood badan, xidigaasi 

markuu soo daahiro ma shaqayn doono qorshe kasta oo aanu ka leenahay dhulka 

Soomaalida. 

Dagaalkii hore ee noo qorshaysnaa waanu fulin doonaa inta aan la gaadhin 2016. Dhulka 

Soomaalida waxaanu qorshaynay in 5 maamul loo qaybiyo, waxaa sidoo kale 1884 aanu 

miiska soo dhignay in marka la gaadho 2020 aanu dhulka Soomaalida ka samayno 10 

dawladdood oo mid kastaa cadow ku tahay ta jaarka la ah. 


Halkaas, markuu marinayo ayuu joojiyay hadalkii, waxaanu ii sheegay in xogta inta 

hadhay la i siin doona markaan fuliyo hawlgalka koowaad ee qorshaha gacanta la iga 

saaray. Qolkii madoobaa ayuu iga soo saaray, waxaanu i keenay qol dhiig ka soo urayo. 

Biyo ayuu madaxa igaga shubay. Waxaanan markii koowaad usoo dhoofay dalkayga 

anigoo cadow ku ah. 

21 July 2007 ayaan ka soo dagay madaarka Hargeysa. Cabsi ayaa dabooshay qalbigayga, 

waxaase ay hore iigu soo sheegeen wadanku in aanu lahayn sirdoon difaaca. Qolada 

qudha ee la igu dardaaray in aan ka feejignaado waa qolo wadanka ilaalisa oo suuqa iska 

joogta, dadkuna aanay aqoon awooddooda iyo wejiyadoodaba. Judhiiba laba guri ayaan 

ka kiraystay Masalaha iyo Jigjigo yar waa labada xaafadood ee aad hawlahaaga si fiican 

uga fushan karto. 

Waxaan ku tallo jiraa in aan hantiyo dhallinyar badan oo gabdho iyo wiilal ba leh. 

Waxaan ku kasbanayaa lacag iyo indho-sarcaad. Mustaqbal qurux badan ayaan u 

sawirayaa. Labadaas gurri ayaan kulan ugu qabtaa. Hawlihii oo meel fiican ii maraya 

ayuu ila soo hadlay, waxaa la igu amray in aan tago gobolka Sanaag oo aan fuulo buurta 

Cirshiida. 2:00 habeennimo ayaan fuulay, subaxii ayay fariin ii soo direen oo 

yidhaahdeen xalay waxaad fuushay buurta sidda sirta wadankaas. Waxaase la i faray in 

aan degdeg uga soo baxo dalka oo noloshaydu khatar ku jirto. 

Dhaadhaca Daallo markaan marayo ayuu nin cawlan nagu joojiyay buurta hoosteeda 

wuxuu igu yidhi, ‘kuwa ku soo diray Sanaag ayaa awooddoodu ku idlaan, haddaad mar 

danbe timaadana waad eedi, haddana fariinta gaadhsii walaalahaaga madow.’ Cabsi 

ayaa igu dhacday, waanan baqayay ilaa aan ka degay madaarka Heathrow. 

Paul McMillan ayaan ku booqday xaruntii urrurka, si diiran ayuu ii qaabilay wuxuu ii 

sheegay in aan gaadhay meel ay iyagu ka baqaan. Wuxuu ku daray in ay Sanaag qorshe 

ka leeyihiin. Hadda, waxaan kuu furayaa bog kale oo sir ah. Wuxuu yidhi, ‘intii aan ku 

mashquulsanayn dagaalkii Ciraaq halkan waxaa laga taagay calan Tawxiid leh.’ Waanu 

garan waynay halka ay naga hoos martay. 


1998 ayaanu ogaanay in awood ka soo baxayso halkaas. Arrintii ayaa ay ka wada hadleen 

Maraykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil. Ingiriiska iyo Israa’iil waxay yidhaahdeen hadda aan 

la dagaalanno, Maraykankuna wuxuu yidhi aan eegno sida ay u soo baxayso. Hadda, 

waanu garan laanahay si aanu yeelno. 

Wuxuu iigu daray in ay ciidamo geyn doonaan badda cas, iyagoo abuuraya budhcad 

baddeed ay ka dhigtaan foodsaaro iyo sabab ay ciidamadooda ku keenaan badda. 

Waxaan arkayaa qorshihii oo u fulaya siddii Paul McMillan iigu sii sheegay. Taas waxa 

ka daran ta maanta socota, wuxuu si cad iigu sheegay 2016 in ay Somaliland ka soo 

weerarayaan dhinaca barri. 





La soco qaybta saddexaad

Qaybtii 3-aad

Thursday, 23 July 2020

Mashruucii la dagaalanka Nuurka





Waxaan safar gaaban ku imid magaalada London, anigoo u socdo ka qaybgalka xaflad 
aroos oo ehelkayga ah. Saddex cisho markaan joogay ayuu ila soo hadlay nin ka tirsan 
urrur ka mid ah kuwa sida qarsoon u shaqeeya. Wuxuu igu balamiyay maqaaxi ku taal 
South Kensington oo la yidhaa Gails Bakery. 
Waan imid anigoo werwer yar igu jira oo isweydiinaya wuxuu iga rabo. Markaan cabaar 
fadhiyay ee aan bun iyo macmacaan meeshii ku cunay ee aan kolba saacadda hoosta ka 
eegayo. Waxaa si kedis ah ii soo dul istaagay nin cad, wuxuu ii sheegay in la ii soo diray 
oo uu ii qaadayo hudheel. Waan soo raacay gaadhigii oo wuxuu i keenay hudheelka 
Riverbank Park Plaza oo ku yaala badhtamaha London.
Qof baa ii sii taagnaa albaabka oo si diiran iigu soo dhaweeyay hudheelka. Wuxuu ii
kaxeeyay qol albaabkiisa ay ku qornay tirada 322. Qolka markii aan galay ayaan sariirta 
ku dul arkay suudh madow, shaadh madow iyo kabo madow. Waan maydhay, sidii la ii 
tilmaamay ayaan dharkii madoobaa ku labistay. Cabaar ayaan daawaday London Eye oo 
toos ugu beegan daaqada qolka aan ku jiro. Waa meel ka mid ah meelaha ugu bilicsan 
magaalada London, dalxiisayaal badana waa joogaan. 
Gabalku wuu sii dhacayaa anna weli waxaan taaganahay daaqada. Garaac xooggan ayaa 
albaabkii la igu soo tumay, haddana waa la iska furay annoo yaaban ayuu igu yidhi, 
‘mudane, waxaa bilaabmaysa soo dhawayntaadii.’ Waan soo raacay, waxaanu i 
fadhiisiyay miis maro madow lagu sharaxay, shaqaalahu dhammaan dhar madow ayay 
ku labisan yihiin. 
Miiska waxaa saaran khamri cas, waraaq sida saddex-xagalka u taal oo ay ku qoran tahay 
“welcome to the brotherhood” iyo sidoo kale waxaa taala hees magaceedu yahay 
‘welcome home’. Markii ba gabadh dhar madow xidhan ayaa masraxa soo fuushay 
waxaabay qaadaysaa heesta midhaheedu ay miiskayga saaran yihiin. Waxaa ka mid ahaa 
erayadeeda:



welcome to where;


time stands still,

No one leaves and no

 one will 

Moon is full,

never seems to change

Just labeled 

mentally deranged 

Dream the same thing

every night,

I see our freedom 

in my sight 

No locked doors

No windows barred,

No things to make

my brain seem scared 

Keep him tied, 

it makes him well.

He’s getting better,

Can’t you tell?

Leave me be!

Just leave me alone... to where




la soco qaybta 2aad

Thursday, 25 June 2020

XAJI CABDI ISMAACIIL { GUUL ALLA RYC }

     SHEEKH CABDIRAXMAAN  ISMAACIIL
             { XAAJI CABDI AYUUB }



 Ducadii Waligeeni Waalidkeeni Sheikh Cabdiraxmaan Ismaaciil (Sheikh Cabdi Ayuub) uu Kaga tiraabay qaddiyada Durriyadda sagaashan sano ka hor:

Allaa mahad leh Mawlaha khalqiga magan Ilaahbaa leh

Malaa’igta Khayrkuun sidiyo Maxammad baa Nuur leh

Inta maqashay ee raacday iyo magac Islaan baa leh

Inta Mawle garansiiyay iyo marina daw baa leh

Sidii wali cilmiga maamiyay oo meel fog ka arkaaya

Oo waxa dambiga lagu muto iyo waxa ka maydhaaya

Intuu maadadaa kuu fasiray raacay marinkiisa

Mashquulkaa waxa iigu wacan meel fog baan tagay eh

Maqribkii Makaan ka adimaa Maydhna subaxii eh

Carshigaan mushaaxaa sidii malag Ilaahay eh

Midigtii Rasuulkaan ahay iyo Mudanow Sheekhii eh

Martida waxan ka sooraa halkuu maalkayagu yaale

Nina ima malayn karo markaan mawjadaa galo eh

Minawara waxan kala hadlaa mayt iyo xay eh

Maqalbaan hangool u sidaa maalin iyo layl eh

Markab laba musbaar maqan tahay ayaan

meel ka kabayaa eh

Maroodi baan u cawsaynayaa maangadb yuurara eh

Ana kama maqnaan karo iyana igama maarmaan eh