Ads

Sunday, 4 October 2020

mashruucii la dagaalanka nuurka islaamka q 3aad

barnaamujkii la dagaalanka nuurka islaamka
 



Waxaa i luraya in aan ogaado sababta uu u rabo ‘dagaalka barri’, annoo aad moodo in 
jiidhku ii damqaday dadkayga ayaan la soo booday waakan dhacaya ee maxay ilaa 
xadkaa muhiim idiinku noqotay inaad weerarkan qaadaan. Paul, isaga oo aan ii jawaabin 
ayuu eegay ergay kale. Wuxuu igu yidhi, ‘walaal Berg ayaa kuu furi doona boggaas.’
Berg ayaa hadalkii qaatay, wuxuu yidhi:
Waxaan ka fikiraynaa in aanu isku beegno qaska Sanaag iyo qabsashada Qudus. Waxaan 
weydiiyay waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Sanaag iyo Qudus. Wuxuu ii sheegay 
markii u horaysay dunida in ay ku guulaysteen faafinta jahliga iyo qarinta cilmiga dhabta 
ah. Qaar badan Phd iyo master ayaanu dhabarka kaga qornay haddana cilmiga runta ah 
waanu ka qadinay. 
Way yar yihiin cidda taqaan cilmiga sida dhacdooyinka dhulku isku saameeyaan iyo 
muhiimada dhuleed ee ka dhaxaysa Sanaag iyo Qudus. Qoladan Muslimka waxaa loo sii 
sheegay in marka ay camiranto Qudus in Yatrib (Madina) ay xidhmayso -sirtan waxa 
haya inyar oo ka mid ah dadka awoodda laga ilaaliyo.

Paul McMillan ayaa ku soo noqday isagoo wardoonkayga ka jecel in aan amarradiisa 
qaato:
Wuxuu igu yidhi, ‘dhawaan ayaad dalkii ku noqonaysaa, waxaanu kuu boqri doonaa 
mataan.’ Degdeg ayaanu u rabnaa in aan beerno midho aynu mustaqbalka dhow 
goosano. Si aydun u sumaysaan quluubaha madhan waa in aydun adeegsataan qalabkan 
aan ku siiyay. Wuxuu igu yidhi markaad doonaysid in aad biiso dalaga beeraha shinnida 
ayaa la beddelaa, marka aad doonayso in aad xumayso hab fikirka wanaagsan wax 
dadku akhrisanayo ayaa la abuuraa. 
Xikmaawi Shiinays ah ayaa laga hayay, ‘haddii qorshahaagu yahay 1 sanno bariis beerro, 
haddii uu yahay 10 sanno dhir beer, haddiise uu yahay 100 sanno carruur wax bar.’ 
Innaga qorshaha Ina eryayaa waa ka duwan yahay taa, waxaanu ka cararaynaa cadceed 
galbeed ka soo baxaysa oo aan la garanayn goor ay dilaaci. Waxaa gebbi ahaanba 
isbeddelaya 2012 qorshe 300 sanno noo soo shaqeeyay. Way adag tahay in aanu 
maamulno xataa doqmihii, wax walba waxay u shaqaynayaan si lid nagu ah. Ma 
garanayno siday wax u dhacayaan. 
Waxaan dalka ka soo degay aniga oo sita buug badan oo falsafad ah oo ay qoreen ragga 
ay ka mid yihiin Aristotle, Plato, Socrates, Hegel, Locke, Tolstoy iyo qaar kale oo badan. 
Kulamadii oo halkoodii ka sii socda ayaan buugta u qaybiyay dhallinyar dhowr ah, 
waxaan ku idhaahdaa erayo beer-lawaxsi ah oo aan qalbigooda ku xadayo. Waxaan ugu 
yeedhaa Platahii Soomaalida ayaad tahay, waxaan dareemayaa in ay qab gelisay; 
waxaanse ogahay kuwa gashada kabaha falsafada iyagoon aqoon fiican lahayn in ay 
galaan mugdi. 
Markii ugu horaysay qolo aan dalka ka bixin ayaa baraha bulshada ku soo qortay erayo 
ceebayn ku ah asalka diinta Islaamka, waxaanay shaki geliyeen iimaankooda. Arrintaas 
urrurku si weyn ayuu iigu soo hambalyeeyay, Paul McMillan ayaa ii soo qoray fariin 
gaaban oo aanan wada fahmin:
“Waxa la gaadhay waqtigii uu soo bixi lahaa BOQORKII QARSOONAA.”
Fariinta markaan akhriyay ayay anoo arkaya is masaxday iyadoo gubanaysa. Argagax 
iyo cabsi ayaan dareemay -wadnahayguna wuu gariirayaa. Waxaan weydiiyay waxa 
fariintii gubay. Wuxuu ii sheegay in ay Jinka heshiis kula jiraan oo ay arrimo badan ka 
wada shaqeeyaan. Qabiilooyin kala duwan ayay leeyihiin hadda reerka noo qaabilsan 
Internet-ka waxaa la yidhaa ZILLA...halkaa markuu marayo ayuu is-maray oo ka 
cadhooday inuu sirtaas sii dhexgalo.
Waxaan la xidhiidhay Koonfurta anigoo doonaya in mashruuca ku faafiyo dhulka 
Soomaalidu degto. Muqdisho hawsheeda wiil yar ayaan u dirayaa ayaan ku idhi Paul, 
wuxuu igu yidhi, ‘Muqdisho waxaan u naqaan Vatican City, markaa wakiillo badan ayaa 
noo joogo.’ Halkaa ayaan kaga hadhay oo waxaan ogaaday in aanan keli ku ahayn 
dagaalka dahsoon. 
Maalintii danbe anigoo hudheel cunto ka cunaya ayaa nin baahan uu na soo dul istaagay, 
waxba ma hayno ayaan ku idhi, wuxuu igu yidhi, ‘waxba ma haysid oo waa la hubaaye, 
Muqdisho waxaa loogu magac daray Ismaaciil Maqaadishi; waa nin Awliyo reer sheekh 
Isaxaaq ah, hawlihiinuna waa fashil.’ Naxdin ayaan qaaday, cuntadii ayaa iga degi 
wayday. Habeenkii waan seexan kari waayay, waxaan garwaaqsaday in ay jirto cid og 
tallaabo kasta oo aanu qaadno. Subixii ayaan dalbaday wastaad laban ku xaniba 
daaqadaha guriga aan ka degannahay Hargeysa. 










La soco qaybta afraad
Qaybtii 4-aad